Madaxa Boliska Uganda ugu qaabilsan Taageeridda Hawlgalladda Nabadda, ahna Kaaliyaha Taliyaha Boliska dalka Uganda, Gareese Turyagumanawe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay booqasho shaqo ku yimaadeen magaalladda Muqdisho, iyagoo Kulamo la qaatay Madaxda Sare ee Midowga Afrika iyo Taliska AMISOM.
Wafdigaasi oo muddo hal isbuuc ah ku sugnaa Muqdisho waxay wada hadalo muhiim ah la yeesheen Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira, oo ay ka wada hadleen Hawlaha Boliska ee Hawlgalka AMISOM.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Wafdiga ka socday Taliska Boliska Uganda ay qalab dayactir ah u keeneen, si loogu adeegsado dayactirka qalabka Boliska Uganda.
Wafdiga wxaay kaloo indha-indheeyn ku sameeyeen Ammaanka magaalladda Muqdisho iyo qaabka ay u socdaan hawlaha Boliska qeybta ka ah Taliska AMISOM.
Dalka Uganda waxaa Somalia haatan ka jooga 160 Askari iyo Sarakiil tababar iyo La-talin siiya Ciiddanka Boliska Somalia iyo Kumanaan Ciiddamo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.