Sawirro:-RW Kheyre oo kormeer ku tegay Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray Bangiga dhexe iyo xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo maamulka Bangiga iyo wasaaradda maliyadda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoonka bangiga dhexe oo uu la kulmay waxa uu ka xog waraystay shaqooyinka ka socda bangiga iyo horumarrada la gaaray, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu hagaajinayo hannaanka bixinta lacagaha.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaaruhu kula kulmay xarunta wasaaradda, waxa uu kala hadlay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha, waxa uuna faray dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media