Sawirro:-Banaanbaxyo rabshado wata oo ka socda Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ka socda Banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Dil qof shacab ah loogu geystay gudaha Garoowe.

Dadka Banaanbaxa dhigaya oo isugu jira Caruur, Dhalinyaro, Haweeyn, iyo Ardayda wax kabarata Iskuulada ku yaalla halkaas ayaa isugu soo baxay bartamaha Garoowe,iyagoona aad uga careysan dilkii loo geysta qof kamid ah dadka deegaanka oo ka dhacay halkaas.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa bartamaha Magaalada ku gubaya  taayaro waaweyn,waxaana hakad ku jira isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga, iyagoona xiray qaar kamid ah Waddooyinka ku yaalla Garoowe.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Puntland.

Si kastaba Banaanbaxaan ayaa waxaa uu yimid kadib qof shacab ah xalay lagu toogtay Garoowe,iyadoona aan weli la ogeyn ragii ka dambeeyay dilkaas ka dhacay Magaalada Gaoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media