Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo Al-shabaab ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan Al-shabaab, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.