Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta Magaalada Baydhabo loogu sameeyay Marxuumad Maama Haajira Cali Aadan oo ah Hooyadda dhashay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sheikh.
Sidoo kale waxaa Goob Joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed oo uu ugu Horeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed, Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur galbeed iyo Xubna katirsan Wasiiradda Koonfur galbeed iyo odayaal dhaqameedyadda Magaalada iyo Eheladda Marxuum Maama Haajira.
Aaska ka dib mas’uuliyiinta, waxgaradka,Odayaasha Dhaqanka, iyo Culimadii ka qeybgashay Waxaa kulan duca Ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii Ka soo qeyb galay duugta Marxuum Maama Haajira, waxaana ay Alle uga Baryeen In Janatull-fardawsa uu ka Waraabiyo
Allaha  u Naxariisto maalinimadii shalay ayay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay waxaan maanta Axad ah aas Qaran loogu Sameeyay Magaaladda Baydhabo.