Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa waxa ay Suuq Bakaaraha gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo khudaarta ku dileen Askar ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee Canshuuraha qaada.

Waxaa la sheegay in rag hubeysan ay dileen labo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada,kuwaasi uu ku sugnaa Suuqa lagu iibiyo khudaarta ee ku yaalla Bakaaraha,iyagoo durbo goobta ka baxsaday ragii dilka ka dambeeyay.

Dad goobjoogayaal ayaa dalsan u sheegay in dilka kadib goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,isla markaana rasaas xoogan furay,taasi oo Sababtay in ay goobta ay ku dhintaan labo qof kale oo shacab ahaa oo ay rasaasta ay fureen ciidan dowlada haleeshay.

Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa la qaaday afar ruux oo Meyd ah oo ay labo kamid ah yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Minishiibiyada dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo la toogtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor