Sawirro:-Rabshado ka dhashay xariga Muqtaar Roobow

Kadib markii ay soo baxday in Magalada Baydhabo lagu xiray Muqtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed marna ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa waxaa Baydhabo ka dhacay dagaal iyo rabshado.

Wararka aan Baydhabo ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dadweyne farabadan oo taageero u ah Muqtaar Roobow ay banaanbax rabshado wata ka dhigeen Gudaha Magalada.

Isgaarsiinta Magalada Baydhabo ayaa hawada ka maqan,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Diyaarad ay Magalada Baydhabo kasoo qaaday Muqtaar Roobow kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media