Boliska magaalladda Toronto ee dalkaasi waxay sheegeen inay 2 Eedeysane u soo xireen dilkii Marxuum Faysal Maxamed Hees oo 33-jir ahaa, kaasi oo bishii December 19-dii ee sannadkii 2016-kii lagu dilay Deegaanka Etobicke ee duleedka Toronto.
Eedeysane lagu magacaabo Caadil Zeno oo deggan maagalladda Toronto ayey Boliska so oxireen jImcihii la soo dhaafay, waxaana lagu soo oogay Fal-dembiyeedka dilka ee Heerka 1-aad.
Boliska waxay kaloo sheegeen inay isa soo dhiibtay haweeney lagu magacaabo Monika Ibrahim oo 24-jir ah, loona yaqaano Rose Carter, kadib, markii ay Boliska u jareen Warqadda Soo-qabashadeeda maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.
Haweeneydaasi oo isa soo dhiibtay maalintii Axadda ee shalay waxay wajihi doontaa dacwadda dilka heerka 1-aad.
Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamuud Ducaale oo 27-jir ah iyo Axmed Cabdi Siyaad oo 26 jir ayaa Xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2016-kii.
Dilka Marxuum Faysal Maxamed Hees ayaa la sheegay inuu yahay qofkii 68-aad ee lagu dilo dalka Kanada sannadkii 2016-kii.