Sawirro:-Qoys Soomaali oo ka bara-kacay gurigii ay ka deganaayeen Maraykanka

Hooyo iyo 7 carruur oo ay dhashay ayaa la sheegay inay bara-kaceen kadib, markii uu dab baabi’iyey gurigii ay ka deganaayeen magaalladda MILKAWAUKEE ee Gobalka WISCONSIN ee dalka Maraykanka.

Sarkaalka Bisha Cas ee Gobalka ugu qaabilsan dhinaca Isgaarsiinta, JUSTIN KERN ayaa sheegay inay Qoyskaasi barakaceen habeenkii Isniinta, kadib, markii uu dab ka kacay gurigii ay deganaayeen.

Waxa uu sheegay inaysan Hooyadda Qoyskaasi ku hadli Karin Luqadda English-ka, isla markaana uu caawiyey mid ka mid ah carruurteeda oo xiriir la soo sameeyey Dab-damiska.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in da’da carruurta qoyska Soomaalida ee bara-kacay u dhexeyso 5 jir ilaa 13-jir.

Dhinaca kale, waxaa guriga ku gubtay sarriiro cusub iyo dhar ay Hooyadda dhawaan u soo iibisay Carruurteeda, mana muuqato inay Qoyskaasi awoodi karaan inay si degdeg ah dib ugu laabtaan gurigooda gubtay.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay inay Qoyskaasi ka caawiyeen meel ay degaan iyo qalabka muhiimka u ah nolosha xilligan adag oo ay ku jiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media