Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal xooggan.
Wararka an heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ka socdo Saldhiga Baladweyne,isla markaana ay weerareen Maleeshiyaad ku heyb ah Nin ka mid ahaa Darawalada Mooto Bajaajta ee shalay lagu dilay Baladweyne,kuwaas oo doonaya inay xoog kula soo baxaan Askari ka tirsan ciidamada Booliska oo Saldhiga ku sugan
Dad ku nool Baladweyne ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in rasaas xooggan ay ka dhaceysa Gudaha Magalada Baladweyne,isla amrkaana dhammaan Goobaha Ganacsiga ay wada xiran yihiin.
Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com