Sawirro:-Nabadsugida Jubbaland oo soo Bandhigtay Waxyaabaha Qarxa

Taliska Hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Bandhigay waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen in Al-shabaab ay ku aaseen goobo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka NISA Jubbaland ayaa Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ka soo saaray inta u dhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban,kuwaasi oo ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Sidoo kale halka Miinooyinka laga soo saaray ayaa waxaa ah aaga degmada Jammaame Gobolka Jubadda Hoose,halkaas oo Saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka.

Ciidanka ammaanka Jubbaland gaar ahaan cutubka u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa una taagan mar walba ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayaa ka soo saaray Miinoyinkan goobo ay Al-Shabaab geliyeen oo ah inta udhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban Waa aaga degmadda Jammaame Gobolka Jubadda Hoose”ayaa lagu yiri War ka soo baxay Taliska NISA Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media