Talihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya ahna musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Xuseen Cismaan Xuseen ayaa Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kulan gaar ah kula qaatay musharax Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ka mid ahaa Golaha wasiirada Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid Saxaafada banaanka ka joogtay ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka Soomaaliya,waxaana ay yeesheen Kulan gaar ah.
Kulankooda ayaa waxa ay uga hadleen soo dhaweyn iyo wadatashi la xiriira hanaanka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyada oo ay xusid mudan tahay in lagu tirinayo musharixiinta ay taageereyso Dowladda Soomaaliya.
Labada musharax ee Maanta kulanka yeeshay ayaa ah kuwa ugu cad cad doorashada koonfur Galbeed ee lagu wado inay dhacdo 17 bisha soo socota ee November.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.