Sawirro:-Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ugu Caansan Somaliland oo Calan Cad kala degay Garoowe

Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland waxaa gaaray waxgarad ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Maamulka Soomaaliland,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey.

Waxgaradkaas oo ka tegay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal ayaa waxaa hoggaaminaya Suldaan Abdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Soomaaliland.

In kastoo uusan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysay safarkiisa ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu doonayo xalinta xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland taas oo ka taagan deegaanada Tukaraq.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan uu la qaato waxgaradka Magalada Garoowe si xiisadaas loo qaboojiyo,isla markaana ciidamada look ala qaado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media