Dhageyso:-Aragtida Shacabka Muqdisho ee heshiiskii Somalia iyo Itoobiya

Shalay waxaa Muqdisho soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,waxaana uu heshiis dhowr qodob ka kooban la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa maalgelinta Itoobiya 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya waxaana heshiiskaas dhaliilo ka muujiyey inta badan Shacabka Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Muqdisho oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in heshiiskaas uu yahay mid lagu deg degay oo aan waqtigaan loo baahneyn in la galo.

Sidoo kale qaarkood ayaa waxa ay qbaan in marnaba Itoobiya aysan naga dhaxeyn in heshiis lala galo,iyaga oo sheegay in dhul ka mid ah Soomaaliya ay heysato.

Hoos Ka Dhageyso Qaar ka mid ah Aragtida Shacabka Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media