Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka aroornimadii hore howgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen koox burcad ah oo dhac ka waday qaybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Ciidanka oo howlgal qorhseysan ka fuliyay degmada Waaberi ee gobalka Banaadir ayaa waxaa ay soo qabteen labo dhalinyaro ah oo ay sheegeen inay dhacayeen dadka degaanka, waxaana baraha Bulshada ay ku faafiyeen sawiradooda iyo hub ay sheegeen inay dadka ku dhacayeen.
Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in abaaro 03:45 Waxaa Saldhigga Boliiska Degmada Waaberi uu helay Xog in ay Dhac Ka wadaan Degmada Waaberi Tuugo Wadata Mooto bajaaj (RE Guduudan M1B014/ A 3547), sidaasna ay ugu suuragashay inay gacanta kusoo dhigaan.
“Howl-gal ay Sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa Saaka Aroortii Waxay Gacanta Ku soo dhigeen Tuugo Dhac Ka wadey Degmada Waaberi Taariikhda Markay ahyed 14-05-2024 abaaro 03:45 Waxaa Saldhigga Boliiska Degmada Waaberi uu helay Xog in ay Dhac Ka wadaan Degmada Waaberi Tuugo Wadata Mooto bajaaj (RE Guduudan M1B014/ A 3547 “ ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.
Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daray in labada shaqsi ee lasoo qabtay ay saldhigga ku xiran yihiin, isla markaana caddaaladda la waafajin doono.
“Waxaana Ku baxay Ciidanka Saldhigga ayagoo Kaashanaaya Bulshadii Soo wargelisay waxayna Gacanta Ku soo Dhigeen Labadii Ruux ee Tuugada ahaa oo Wadatey Mooto Bajaaj Waxayna dadka ku Dhacayeen Toorey .Hada Waxay Ku Xeran yihiin Saldhigga Waaberi waxana Ku Socda Baaris si loo waa fajiyo Cadaalada”
Maalmihii lasoo dhaafay Booliska ayaa waday howgallo ay kula dagaalamaayan kooxaha dhaca ka qaysta xaafadaha Caasimadda Muqdisho, waxaana xusid mudan in shalay sidaan oo kale gacanta lagu soo dhigay koox burcad ah oo dhac ka gaysanayay degmada Heliwaa ee Gobolkani Banaadir.