Guddoomiyihii hore ee Degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir Cismaan Muxudiin Cali Cariif oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay Ururka la magac baxay Macawiisleyda ee deegaanko u dhaw Aadan yabaal dagaalka kula galay Al-Shabaab ayaa sheegay in la dayacay dadkaasi.
Waxa uu sheegay in dadka Macwiisleyda ah ee Al-Shabaab la dagaalamay loo baahan in la taageero,isla markaana lagala qeyb qaato dagaalka,si ay u helaan garab.
Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir Cismaan Muxudiin Cali inay fadhiga ka kacaan xildhibaanada doorashoodu tahay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellahaha Dhexe.
Waxa uu tilaamay in mashquulka ay iska dhaafaan,isla markaana tagaan Deegaanka si loola dagaalamo Al-Shabaab,oo halkaasi dagaal kula galay Urur la magac baxay Macwiisley.
Dhawaan ayay aheyd markii Shacab is abuubulay ay ku dagaalameen deegaanka Aadan yabaab iyo deegaano kale oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay dhibaato kala kulmeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyihii hore ee degmada Cabdul Casiis.