Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale ayaa Maanta waxa ay booqdeen isbitaalka Magalada Gaalkacyo oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii iyo weerarkii Maanta ka dhacay Gaalkacyo.
Janeraal Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro iyo saraakiil ka tirsan Taliska Xooga dalka qeybta Gobolka Galgaduud,ayaa markii hore booqday xaruntii la weeraray,iyaga oo intaasi kadib tegay Isbitaalka Magalada Gaalkacyo.
Taliyaha qaybta 21aad Gen Cirro ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen inay wax walba ku bixiyaan sidii ay uga hortei lahaayeen kooxdii weerarka ku qaaday Xarunta uu Magalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi yare si ay u badbaadiyaan dadka ku jiray.
Sidoo kale Ssaraakiisha ayaa ka qayb galay aas loo sameeyay Dhamaan dadkii weerarkaasi ku dhintay, oo uu ka mid ahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi yare.