Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay xaalada Amni ee deegaanada Koonfur Galbeed oo dhawaan lagu wado in ay doorasho ka dhacdp.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa la faray Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed in ay sitaxadar leh u ilaaliso amniga kana hortagto Shaqaaqooyin dhaca.
Dhamaan laamaha amniga Koonfur Galbeed ayaa la ogeeysiiyay in aan marnaba la ogolaan doonin inay jiraan dad ku kacaya handadad iyo fal dambiyeedyo ka dhan ah Nabada iyo xasiloonida Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu amray in uu kahortago cidkasta oo isku-dayda inay abuurto qalqal amni.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedla Wasaaradda Amniga.