Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa kulan uga socdaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo Kismaayo booqasho ku jooga Golaha Wasiirada Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Xildhibaamo ka tirsan Jubbaland iyo Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana kulanka looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo kale.
Kulanka ayaa sidoo kale ah mid lagu soo dhaweynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadii ugu horeysay ku tegay Kismaayo tan iyo markii looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday 8 Bishii Febaraayo Sanadkii tegay ee 2017.