Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xafiiskiisa Magaalada Baladweyne waxaa uu kulan kula qaatay Saraakiil sare oo Ka tirsan Hay’addaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Magaalada Baladweyne.
Kulanka Madaxweyne Waare uu la qaatay Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’addaha Qaramada ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiiro kamid ah Hirshabeelle iyo maamulka Gobolka Hiiraan.
Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay Dardargalinta Arimaha Cadaalada, Maxaabiista iyo sidii loo dhisi lahaa xabsi iyo Hirgalinta Mashaariic Dib u Dhis oo laga hirgaliyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle
Ugu dambeyntii kulankan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday is Afgarad.