[Dhageysi]- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ganacsatada Suuqa-bakaaraha

Yuusuf Xuseen Jimcaale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta tagay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho, oo uu dhawaan kakacay dab xoogan oo baa’biyey in kamid ah hantida Suuqaasi.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa la kulamay qaar kamid ah ganacsatada suuqa-baakaaraha, oo uu kala hadlay wadooyinka Suuqa iyo sidii loo furi lahaa, si hadii dab uu koco loo helo wadooyin loo maro, xilli wadooyinka suuqaasi ay yihiin kuwo mashquul badan.

Gudoomiye Jimcaale ayaa si gaar ah ula hadlay Shirakadaha korontada ee suuqaasi oo uu maray inay Korontada ay galinyaan suuqa ay marsiiyaan dhulka hoostiisa, si loo yareeyo dhibaatooyinka la xariira dabka oo dhoor-jeer siyaabooyin kala duwan uga kacay Bakaare.

Booqashada suuqa Bakaaraha ee gudoomiye Jimcaale ayaa imaaneysa, xilli suuqaas uu dab kakcay Bishii hore,kaasi oo geystay waxayeelo badan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media