Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta ka furmay Shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya,waxan shirkaas ka qeyb galaya wakiilo ka socda DFS iyo madaxda wasaaradaha isgaarsiinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.
Shirkaas ayaa waxaa loogu magac daray Bandhiga xeerka Isgaarsiinta dalka.
Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo ka qeyb galaya shirkaas ayaa sheegay in Isgaarsiinta dalka mudo Sanado yar gudahood ay ku gaartay meel wanaasgan taasina ay kaalin weyn ka qaateen Ganacsaatda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu shegay in dalal badan oo Caalamka ka mid ah ay ka hormarsan tahay isgaarsiinteena taasina ay mudan yihin in lagu abaal mariyo Ganacsatada soomaaliyeed ee ku amaanan sii joogtaynta isgaarsiinta dalka Soomaaliya.
Shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa socon doona ilaa 27-ka Bishaan,iyada oo gaba gabada shirkaas qodobo muhiim ah laga soo saari doono.