Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in muhiimad ay leedahay in la helo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno kamid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isla markaana waxaa uu kula dardaarmay inay ku dadaalan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen difaaca dalka.
Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeennada oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka ee Turk-Som ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi,saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda Turkiga.