Jugta tirro Hoobiyeyaal ah ayaa Maanta barqadii waxaa laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen meelo aan ka fogayn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Iskuulka 15-ka May ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen dhismayaal Magaalada Muqdisho ay ka deggan yihiin siyaasiyiin.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii lagu gaaray agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka laga soo tuuray.