Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Ereteriya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali ayaa Magaalada Asmara ku yeelan doona wadahadallo saddex-geesood ah.
Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.
Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.