Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegay Xarun Ciidan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxayidiin Axmed Aw-muuse iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada booliska Puntland ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Booliska.

Sidoo kale wuxuu Salaan sharaf ka qaatay Madaxweynuhu cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, kadibna wuxuu kormeeray Qeybta Booliska ee degmada Garoowe oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha howsha baaxada leh ee ay u hayaan Bulshada, Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay Saraakiisha dardar-gelinta shaqada ciidanka booliska, Barnaamijka tayeynta Ciidanka oo hada qeybo ka mid ah Tababaro u socdaan iyo diyaargarowga munaasabada 1-August.

Comments
Loading...