Sawirro:-Qabanqaabada soo dhaweynta RW Kheyre oo ka socota Degmada Xudur

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre  oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa gaaro degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tegayo Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socota Degmada Degmada Xudur,waxaana bartamaha Magaalada lagu arkayaa,boqolaal dadweyne oo isu diyaarinaya soo dhaweynta Xasan Cal Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media