Sawirro:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo gaaray Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Jubbaland waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug balse ay xildhibaanada qaar ee Maamulkaas ay xilkii ka qaadeen.

Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada uu Kismaayo u tegay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay ka qeybgalka shirka la filayo in Maalinta berito ah uu ka furmo magaalada Kismaayo kadib markii uu Maanta oo Aaxada ah uu baaqday.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha jubbaland oo shirka martigelinaya iyo Madaxweynaha Galmudug oo Maanta gaaray halka saacadaha nasoo aadan ay tegi doonaan Madaxda Maamulada Hir-Shabeelle iyo Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media