Madaxweynaha Zimbabwe oo laga yaabo inuu isku shaandheeyo Golihiisa Wasiiradda

Madaxweyne Robert Mugaabe ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la qaatay Garabka Dhallinyarada ee Xisbigiisa haya talada dalkaasi ee XANU-PF, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inuu maalmaha soo socda isku shaandheyn doono Xukuumadiisa.

Isku-shaandheyntii ugu dambeysay waxa uu sameeyey bishii September ee sannadkii 2015-kii.

Dhinaca kale,  Madaxweyne Ku-xigeenka dalkaasi,  Emmerson Mnangagwa oo lagu wado inuu Xilka kala wareego Robert Mugaabe ayaa sheegay Khamiistii la soo dhaafay in isaga la sumeeyey bishii August ee sannadkan, laguna soo daaweeyey dalka Koonfurta Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media