Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ,ayaa Guddoomiyey shir ay isugu yimadeen lamaha amaanka Gobolka Bakool, kaasi oo looga hadlayey xoojinta ammaanka degmooyinka Gobolkaas.
Waxaa shirka sidoo kale goob joog ahaa wasiir ku xigeenka ammniga KG, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, Taliya Ciidanka Darawishta Koonfur Galbeed, Saraakiil ka socotay Ciidanka AMISOM, inta uu socday shirka waxaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ,kaasi oona la doonayo in sida ugu dhow in Al-shabaab looga saaro goobaha ay kaga suganyihiin Guud ahaan Koonfur Galbeed.
Shirka inta uu socday waxaa warbixino ku aadan ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad guutada 9aad laga dhegeystay Taliyaha guutada, waxana uu shegey in ciidanka badankood ay qaadan howlagalo lagula dagaalamayo Al-shabaab.
Shirka oo ahaa mid inta badan looga hadlayey Ammaanka Gobolka Bakool,ayaa la isku af gartey in laga shaqeeyo xureynta Gobolka Bakool, oo degmooyin qaar ay gacanta kaga jiraan Al-shabaab.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dadaalo Dheer ugu jirta Sidii loo Furi Laha guud ahaanba Waddoyinka deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii Al-Shabab looga xureen lahaa deeganada yer ay gacantooda ku jirto.