Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Safiirka Talyaaniga ee Somalia

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay xubno katirsan golayaasha Dowlada waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland waxaana Safiirku uu sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha amaank iyo dagananshahu ay noqdaan mid wanaagsan.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay tageerada Dowlada Talyaaniga ay siiso Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii hore ee la xiriiray arimaha hormarinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media