Danjirihii UK u joogay Maraykanka oo is-casilay

Ambassaror Kim Darroch ayaa iska casilay Xilkaasi, kadib, markii uu Khilaaf Diplomaasiyadeed soo kala dhex galay Labada Waddan ee Isbahaysiga ah.

Danjiraha waxa uu sheegay inaysan xaalladdan suurtogal u ahayn isaga inuu doorkiisa ciyaaro, kadib, qoraalkii uu Madaxweyne Trump ku sifeeyey Danjiraha inuu yahay qof nacas ah.

Danjiraha waxa uu Qoraalkiisa Is-casilaadda ku xusay  inuu Go’aankaasi u qaatay sidii loo soo af-jari lahaa xiisaddan taagan oo aan  suurtogal ka dhigi Karin inuu qaato doorkiisa sida uu jeclaa.

Xafiiska UK ee Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka waxa uu xaqiijiyey inuu Ambassador Kim Darroch oo 65 jir uu maanta iska casilay xilkii Danjirenimo.

Ambassaror Kim Darroch waxa uu ku lug lahaa Dukumenti sir ahaa oo loo  dusiyey Warbaahinta Britain sannadkii 2017-kii.

Wuxuuna bishii hore  sheegay in ay Maamulka Trump jahwareer ka qaadeen Go’aankii uu ku joojiyey weerarkii lagu qaadi lahaa dalka Iiraan.

Madaxweyne Trump waxa uu carro kala dul dhacay Danjiraha oo uu sheegay inuusan ka sii shaqeyn Karin Maraykanka, isagoo dhanka kalena eedeeyey Ra’isul-wasaarada Britain ee ka sii degaysa Xilka,Theresa May.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media