Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Kulankaan ayaa ahaa mid kii ugu horeeyay ay yeesheen kadib doorashada Madaxweynaha Cusub ee Puntland,waxana uu ahaa mid Saxaafada ay banaanka ka joogtay,waxaana Madaxda Cusub ee Puntland ay kormeereen qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay Madaxtooyada.
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe oo ay booqdeen Madaxweynaha Cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa,kuwaas oo aan weli xilka la wareegin.