QM oo balan qaad u sameysay Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, ahna Sarkaalka sii wada shaqada Xafiiska QM ee Taageeradda Hawlgalka Somalia ee UNSOM, Raysdoon Zenenga  waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha  Cuusb ee Maamulka Puntland, Saciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa, Axmed Cilmi Karaash, kuwaasi oo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Puntland shalay doorteen.

War-saxaafadeed uu soo saaray Raysdoon Zenenga  waxa kale oo uu  Guddiga Doorashadda Puntland  ku bogaadiyey qaabka ay u maamuleen Doorashaddaasi, oo ku dhacday  si daah-furan madax bannaan oo caddaalad leh.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, ahna Sarkaalka sii wada shaqada Xafiiska QM ee Taageeradda Hawlgalka Somalia ee UNSOM, Raysdoon Zenenga  waxa uu Qoraalkisia ku sheegay inay UNSOM si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay bogaadinayaan Madaxweynaha xilka ka sii degayo  C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Maamulkiisa oo si nabad buuxda u wareejiyey Awoodda Maamulka Puntland, isla markaana abuuray xaallado  suurto-geliyey  inay Doorasho Guul leh ka dhacdo Puntland, oo lagu soo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Ku-xigeenkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor