Dhageyso:-Al-Shabaab oo tiro dad ah ku xir xiray Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab dad Beeraleey ku xir xireen tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Barqanimadii Maanta ayaa tiro dad Beeraleey ah waxa ay Al-Shabaab ku xir xireen deegaanka Cali Fooldheere,waxaana Wararka aan helnay ay sheegayaan in ilaa Lix ruux ay Al-Shabaab xireen.

Dad diiday in Magacooda iyo codkooda in Qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen Radio Dalsan in sababta Al-Shabaab ay Beeraleyda xiraan ay ka dambeysay kadib markii ay ka dalbadeen in midkiiba uu bixiyo Loor Sisinka ah,hayeeshee Beeraleyda ay diideen.

Weli lama oga halka Al-Shabaab dadkii Beeraleyda ah u wateen,balse waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu taagnaa muran ka dhashay diidamada Beeraleyda dalbka uga yimid Aal-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Axmed Xuseen Cadoow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor