9,kii Bishaan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya waxa ay Warqad u dirtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya taas oo ay ku codsaneysay in xildhibaanada laga qaado lacag Canshuur ah.
Arrintan markii ay soo baxday ayaa waxa durbadiiba ka soo horjeestay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Dalsan la soo xiriiray ayaa sheegay in arrintaani ay tahay Sharcidaro aan loo marin Wadadii Saxda aheyd.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in aysan waafaqsaneyn Gunada ay qaadanayaan Xildhibaanada uuna ku fududaaday Wasiirka Maaliyadda loona baahnaa in ay ku soo baxdo Warqadaas Digreeto Madaxweyne.
Wariye Abuukar Dayax oo Wareysanayay ayaa weeydiiyay su’aal aheyd waxa diidaya in ay xildhibaanadu canshuurta bixiyaan ayaa waxa uu ku jawaabay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.