Kadib holwgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen burcad dhac u gaysan jiray dadka shacabka ah.
Ragga la soo qabtay oo watay Mooto Bajaaj, ayaa waxa ay gaarayeen ilaa laba ruux oo watay Bistoolado, hayeeshee kahor inta aan la qaban la dagaalamay Ciidamada Booliska intii lagu guda jiray howlgalka lagu soo qabatay.
Ragga laoso qabtay ayaa markii hore isku-dayay inay baxsadaan,balse laga soo qabtay xaafad ka mid ah Degmada Kaaraan,sid ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Booliska.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska raggaasi ay ku xireen Saldhiga Degmada Yaaqshiid oo lagu haayo baaris.
Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka ku nool Xaafadaha degmada Yaaqshiid waxa ay ka cabanayeen burcad dhac u geysanaya,kuwaas oo taleefoonada gacanta ka qaadabayay.