Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ku rogmaday gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah.
Dadka deegaanka duleedka Berbera ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga xiliga uu rogmanaayay uu ku socday Xawaare Sare ah,isla markaana uu wadada ka baxay,sidaasina uu ku rogmaday.
Gaariga Shilka galay ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Sacaada Bus,waxaana uu siday dad shacab ah,iyadoona halkaas uu ku geeriyooday hal ruux,halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in goobta uu falka ka dhacay ay si deg deg ah u gaareen dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay,isla markaana waxaa kuwa dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Berbera.
Gaarigan ayaa ku rogmaday meel ku dhow halkii xalay uu ka dhacay Shil sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac,kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu sida Tahriibayaal Oromo ahaa,kuwaasi oo kusii jeeday Magaalada Boosaaso.