Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Aadan Barre Ducaale iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo ksuoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madax kale oo ku sugan Kismaayo.
Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa ka qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay.
Arrintaan ayaa imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Magaalada Kismaayo ayaa Caasimadda KMG ah Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Wafduud kala duwan oo qeyb uu ka yahay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka Abshir Bukhaari iyo xubno kale,kuwaasi oo ka qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe.
Weli lama oga diyaarada soo qaaday Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Kenya inay soo martay Muqdisho iyo In kale,kadib markii dowladda Soomaaliya ku amartay diyaaraadaha Kenya ka yimaada ee u socday Kismaayo inay soo maraan Muqdisho.