• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 5, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Sawirro:-Haweeney Sacuudiyan ah oo walaac ka muujisay in dib loogu celiyo dalkeeda

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 7, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Haweeneydasi oo lagu magacaabo Rahaf Maxamed Al-qunuun ayaa lagu hayo Hotel ku dhex yaalla Garoonka Diyaaradaha ee  caasimadda dalka Thailand ee Bankok.

Haweeneydaasi oo 18-jir ah ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka AFP in la dili doono haddii dib loogu celiyo Sacuudiga, waxayna codsatay inay la kulanto Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Wxaay kaloo sheegtay inay doonayso in magangelyo laga siiyo dalka Australia, balse ilaa haatan Dowladda Australia kama aysan hadlin arrintaasi.

Rahaf Maxamed Al-qunuun waxay sheegtay inay Saraakiil Sacuudiyaan iyo kuwo Kuwait ay iyada ku joojiyeen markii ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Suvarnabhumi airport, isla markaana ay si khasab ah uga qaadeen Baasaboorkeeda.

“Waxay iga qaateen Baasaboorkayga” ayey tiri, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in Ninkii iyada ilaalaha u ahaa u sheegay inaysan bixi karin  ilaa uu ka fasaxo.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay taageertay Eedeynta ay Haweeneydaasi  ku sheegtay in si khasab ah looga qaaday Baasaboorkeeda..

Rahaf Maxamed Al-qunuun waxay sheegtay inay ka soo baxsatay Qoyskeeda, kuwaasi o oay ku eedeysay inay u geysteen Tacadiyo maskax ahaan iyo jir ahaan leh.

Waxay kalo osheegtay inay Qoyskeeda ka mamnuuceen inay baxdo, isla markaana ay muddo 6 bilood ah ku xirnayd qol.

Mar wax laga weydiiyey sababaha ay Qoyskeeda ka caroodeen waxay sheegtay inay  timaha iska jartay.

Waxay walaac ka muujisay haddii dib loogu celiyo Sacuudiga, waxay sheegtay in mar kale la xiri doono.

“Waxaan hubaa in 100% ay I dili doonaan sida ugu dhaqsaha badan marka la iga soo saaro Xabsiga Sacuudiga” ayey tiri Raxaf Maxamed Al-qunuun.

Waxayna sii raacisay inay tahay qof ka quustay rajada.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka ee dalka Thailand, Surachate Hakparn oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP  ayaa xaqiijiyey in Haweeneydaasi laga joojiyey inay gudaha u soo gasho dalkaasi, kadib, markii ay maalintii shalay ee Axadda ka soo degtay Diyaarad Rakaab oo ka timid dalka Kuwait.

Taliyaha waxa uu sii raaciyey inaysan Haweeneyda u dhalatay Sacuudiga haysanin Dukumentiyo dheeraad ah, sida Tikidhkii ay ku laaban lahayn ama Lacag, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay haatan ku sugan tahay Hotel ku dhex yaalla Garoonka.

“Waxay ka soo carartay qoyskeeda iyadoo diidan Guur, waxayna walaac ka muujisay inay dhibaato mudan karto haddii dib loogu celiyo Sacuudiga” ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Sirdoonka ee dalka Thailand, oo intaasai ku daray inay Saraakiil u xil-saareen si ay daryeel u siiyaan haweeneydaasi.

Waxa kale oo uu qiray inay  xiriir la sameeyeen  Safaaradda Sacuudiga ee magaalladda Bankok, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Haweneydaasi maanta oo Isniin ah dib loogu celin doono Sacuudiga.

Qoraal ay Rahaf Maxamed Al-qunuun soo dhigtay barta Twitter-ka ayey ku codsatay in laga taageero sidii lagu joojin lahaa in dib loogu celiyo dalka Sacuudiga, waxayna xustay in la doonayo in si khasab ah loo saaro Diyaaradda Kuweyt ee Duullimaadka Lambarkeedu yahay 412.

Wxaay kaloo sheegtay inay Taransik ku ahayd Thailand, si ay magangelyo uga hesho dalka Australia.

Dhinaca kale, PHIL ROBERTSON oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Human Rights Watch ugu qaabilsan Qaaradda Asia, waxa uu Bartiisa Twitterka ku sheegay inay Guul weyn u tahay Rahaf Maxamed Al-qunuun, kadib, markii aan iyada si khasab ah lagu saarin Diyaaradda Shirkadda Diyaaradda ee Kuwait Airlines  ay saakayto ka duushay Garoonka Bankok, iyadoo aan xoog lagu saarin Haweeneydaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London waxa uu saakayto qoray in Gabar u dhalatay Sacuudiga oo 20-jir oo  hataan ku nool dalka Australia ay sheegtay in Rahaf Maxamed Al-qunuun horey u ahayd qof Muslim ah, isla markaana ay Qoyskeeda kala kulantay tacadiyo badan.

Wargeyska ma carabaabin magaca Haweeneyda uu soo xigtay, taasi oo sheegtay inay Rahaf Maxamed Al-qunuun hanjabaadyo ka heshay wiil ay ilmo-adeer yihiin, kaasi oo ugu hanjabay inuu dili doono.

Previous Post

Dhageysiga Khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Puntland oo ka socota….

Next Post

Sawirro:-Milliteriga Dalka Gaaboon oo la wareegay Talada dalkaasi

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday
Caalamka

Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday

July 3, 2025
Next Post

Sawirro:-Milliteriga Dalka Gaaboon oo la wareegay Talada dalkaasi

Somalia and South Africa Discuss Strengthening Bilateral Cooperation and Facilitating Diplomatic Movement

Somalia and South Africa Discuss Strengthening Bilateral Cooperation and Facilitating Diplomatic Movement

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Pretoria, - The Federal Republic of Somalia and the Republic of South Africa have taken new steps toward enhancing their...

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

Warshiikh, Somalia - In a powerful show of community-driven healthcare, a team of volunteer Somali eye doctors brought life-changing medical...

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

Mogadishu, Somalia – The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre,...

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia has unanimously approved the nomination of nine candidates to serve...

Somalia and South Africa Discuss Strengthening Bilateral Cooperation and Facilitating Diplomatic Movement
English News

Somalia and South Africa Discuss Strengthening Bilateral Cooperation and Facilitating Diplomatic Movement

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors
English News

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility
English News

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission
English News

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia and South Africa Discuss Strengthening Bilateral Cooperation and Facilitating Diplomatic Movement
  • Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors
  • Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility
  • Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00