Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka cusub ee Hey’adda UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan Howlwadeenada xafiiskiisa.
Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Mr. Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, asigoona warbixin kasiiyay Howlaha ay isla wadaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda UNDP.
Jocelyn Mason, wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta Duqa Muqdisho, asigoona dhinaca kale xusay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeyso Maamulka Gobolka Banaadir.