Sawirro:-Dowladda oo Deeq Gargaar ah gaarsiisay Magaalada Jowhar

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle la gaarsiiyay deeq gar gaar ah oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ku dhaqan degmada Mahadaay ee saameynta ba’an ay ku yeelatay Fatahaada Wabiga Shabelle.

Deeqdani oo isugu jirta teendhooyin, marakaneecooyin, iyo waxyaaba kale oo nolosha aas aasi u ah ayaa waxaa Dowladda Federaalka ka guddoomay madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Hirshabelle mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mahadceliyay deeqdani, waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku amaanay dadaalka ay ku bixineyso u gurmashada dadka ay saameysay fatahaada wabiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media