Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa kulan kula qaatay halkaas dhiggiisa dalka Ugandha Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo amuuraha guud ee gobolka oo ay labada dal dan-wadaagta ka yihiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaajo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kala duwan la qaadan Madaxda ka qeybh galeysa Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha.