Goordhow waxaa Caasimadda dalka Jabuuti ee Djabuuti ka soo duushay diyaarad sida Dhaqaatiir Jabuutiyaan ah kuwaas oo doonaya in ay dhankooda Caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Maalin ka hor Soobe.
Dhaqaatiirtaan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan sida la sheegay ilaa 40 ,kuwaas oo la filayo in Saacadaha nasoo aadan ay soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhaqaatiirtaan ku amray in ay aadaan Xamar, wuxuu kaloo sheegay in Goordhow diyaarad gargaar ay u soo diri doonaan Magaalada muqdisho