Goordhow ayaa waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Waxaa ka furmaya shirka Madaxda dowlad Goboledyada dalka kajira oo ay uga hadlin doonaan arrimo dhowr ah.
Ajandaha Shirka Baydhabo oo ah midka guud ee xaaladda Siyaasada Somaliya ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah sida laga yeelaayo Khilaafka Maamul Goboledyada iyo dowladda dhexe.
Shirkan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada qaarkood ee dalka ka jira.
Dowladda Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin shirkaas Maanta ka furmaya Magaalda Baydhabo,balse waxaa la aaminsan yahay in ay kala kulmid oonto culeys siyaasadeed.