Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu Dalka Koonfur Africa uga qeyb galaya Shirkii 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka .
Shirkan ka dhacaya Dalka Koonfur Africa ayaa waxaa ku mideysan Dalladda Xeer Ilaaliyeyaasha Aduunka kumidoobay ,kuwaasi oo gaaraya illaa 185 Dal,waxaana xubin ka ah 350,000 oo Xeerilaaliye.
Qodobada Shirka looga hadli doono ayaa waxaa qeyb ka ah madax banaanida Xeer ilaaliyeyaasha,isla markaana Soomaliya waa markii ugu horeeysey oo ay xubin ka noqotey Shirka Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka.