Wargeyska Al-dastuur ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu qoray in Shiikha Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga, Dr. Maxamed Al-xadiid kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda DFS, ahna Hormuudka Jamaacadda Iimaam Al-shaafici ee magaalladda Muqdisho, Dr. C/qaadir Macallim Nuur.
Kulankaasi oo habeenkii Sabtiga ka dhacay magaalladda Istanbuul, waxa uu Wasiir C/qaadir Macallim Nuur faahfaahin kooban ka bixiyey doorka Imaam Al-rufaaci ee Turkiga ee Cilmiga Diinta iyo Arrimaha Ardayda.
Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Dhaqdhaqaaqyadda Cilmiga Suufiyadda ee dalalka Islaamka.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Ardayda Soomaalida loo soo diro Xarunta Al-riwaq ee magaalladda Istanbuul, si ay uga bartaan Cilmiga Islaamka.
Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga u gudbiyeen Wargeyska Al-dastuur ayaa lagu sheegay in Kaadiriin Sare oo ka socota Machadka Imaam Al-rufacai ee Cilmiga Islaamka ee dalka Turkiga loo soo diri doono Somalia si ay Koorsooyin uga furaan Jamaacadda Iimaam Shaafici ee Somalia.