Dhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo Warka soo saaray in ka badan 10 ruux oo lagu dilay Gobolkaas

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dab la qabad siiyey Gawaari Xamuulka qaado oo ka baxay Magalada baladweyne kuna wajahnaa Degmada xudur,isla markaana lagu dilay in ka badan toban ruux.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Maxamed Taakooy ayaa sheegay in Gadiidka la gubay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Deegaanka Qurax-joome iyo Xudur,isla markaana ay dileen 10 ruux dhammaan gaadiidkiina ay gubeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Ganacsato aan waxba galabsan la dilay lagana gubay 13 Gaari ay wateen,waxa uuna sheegay in dhibaatadaas ay aheyd musiibo qaran oo ku habsatay Shacabkaas.

Sikastaba Maamulka Gobolka Hiiraan mashaacin tallaabada xigta ay qaadi doonaan maadaama dhibaatadaasi ay dhacday,waxaan eedeyntaas weli ka jawaabin Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka  Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Maxamed Taakooy.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media