Sawirro:-Dad ku geeriyooday qarax ka dhacay Galbeedka dalka Yemen

Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in mooto lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ay xalay ku qaraxday Suuq ku yaalla magaalladda Mokha ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Qaraxaasi waxaa la sheegay inay 6 qof ku geeriyotay, halka 26 kalena ku dhaawacmeen, iyadoo dhibanaayaasha ay u badnaayeen dad ka casheynayey Maqaayad ku dhex taalla Suuqa uu qaraxu ka dhacay.

Ma kala cadda in qaraxaasi lala maaganaa Ciiddan taabacsan Dowladda oo ku sugnaa goobtaasi, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor