Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Jimcihii uu booqday Xeebta Liido,isla markaana uu arkay Kalluun farabadan oo dhiig ka da’ayo taasina ay meesha ka saareyso nadaafada.
Xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Maanta xeebta Liido,kadib cabashadii Iskaashatada Kalluunka ayuu sheegay in isagu uu amray in la xiro Kawaanka Mallaayka degmada Cabdul Casiis.
“Markii aan booqday waxan arkay xeebta oo ay ku dabaalanayaa boqolaal Dhalinyaro ah,waxan arkay mallaay ama Kalluun qalan oo dhiig ka da’ayo,waxa fiican inaan ka fikirno horay atat u dhacday in Yaxaas badeed uu dad farabadan ku cunay dad damaashaadayey ayuu yiri taliyaha booliska.
Hadalka taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa ku soo aadayaa xilli Iskaashaatada Kalluunka ay Maanta dhigeen banaanbax Cabasho ah walow markii dambe la xaliyey.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliska Soomaaliya.